tirsdag, april 23, 2024

Wasiir Cawad: Norway xaq ayay u leedahay inay celiso qofkii ay rabto.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo booqasho gaaban ku yimid Oslo, ayaa shir la qaatay qeybo kamid ah bulshada soomaalida ah ee kunool Oslo.

Wasiirka ayaa dadkii kulanka joogay uga warbixiyay xaalidihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in wax badan oo wanaagsan ay ka socdaan gudaha Soomaaliya. Wuxuuna dadka ugu baaqay inaysan rumeysan waxyaabaha xumaanta ah ee dalka laga sheego, xaqiiqaduna ay tahay in Soomaaliya ay hada kusoo noqotay saaxada dowladaha caalamka, ayna jiraan horumar iyo dib usoo kabasho balaaran oo dalka gudihiisa ka socdo.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kadib, wuxuu dadka u furay inay weydiin karaan, wixii su´aalo ah oo ay qabaan. Mid kamid ah su aalaha wasiirka la weydiiyay ayaa ku saabsaneyd in dowlada Norway ay celiso dad soomaali ah oo wadankan magangalyo usoo raadsaday, isla markaana aysan wax fal celin ah arintaas ka bixin dowlada Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo su´aashaas ka jawaabaya, ayaa soomaalidii kulanka joogtay u sheegay in dowlada Norway iyo dowladaha kale ee Yurub, ay xaq u leeyihiin inay wadanka Soomaaliya usoo celiyaan qofkii soomaali ah ee dalkooda danbi ka gala, ama sharcigooda uu diido in magangalyo la siiyo.

Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay in dowlada Soomaaliya aysan diidi karin, hadii dowlad kale ay ka codsato in muwaadin u dhashay Soomaaliya, loo soo celiyo dalkiisa. Aysana jirin sabab ay ku diido in qof Soomaali ah, dalkiisa loo soo celiyo, maadaama ay jiraan xeerar caalami ah oo dowladaha ka dhaxeeyo.

Wasiir Axmed Cawad ayaa yiri: Hadii dowlada Soomaaliya ay go´aansato in qof Germany u dhashay ay dalkeeda ka tarxiisho, waxaan waraaq u qoreynaa dowlada Germany si aan arintaas ugu wargalino, waxeyna ogolaanayaan in qofkaas dalkiisa lagu celiyo.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in dadku ay isku qaldaan labo waxyaabood: Dowladaha bini-aadantinimada iyo baahida magangalyo ee qofka qadariya sida Norway, Sweden iyo Germany. Iyo kuwa aan qadarin sida Sucuudiga iyo kuwa kale ee lamidka ah.

Wuxuuna raaciyay in dad badan ay aaminsanyihiin in dowlada Soomaaliya ay dowlad kale ka codsan karto in dadkeeda la siiyo magangalyo, halka xaqiiqadu ay tahay in Soomaaliya aysan wax saameyn ah ku lahaan karin, go´aamada sharcigeed ee dal madax banaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x