UK: Dhalinyarada Iskuulada dhigata oo is caddeeya si aan midabkooda loogu caayin.

0
152
r

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Sida ay sheegtay hay’adda samafalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo NSPCC, qaar kamid ah dhalinyarada dalkaas kunool ayaa jidhkooda mariyaha daawooyinka la isku caddeeyo si aan markay Iskuulada joogaan midabkooda loogu caayin.

Daraasad ay hey´addan samaysay ayaa sheegtay in takoorka midabka iyo u xoog-sheegashada carruurta dhexdoodu ay aad u korortay sannadihii 2015-2016. Waxaana la diiwaan galiyay 10,500 fal dambi oo la xidhiidha midab tagoor laga galay caruuta dalka Ingiriiska oo dhan sannadihii 2027-208, taas oo ka dhigan in celcelis ahaan maalintii 29 fal dambi dhacayeen.

Inan yar oo 10 jir ah ayaa NSPCC ku tidhi » waxaan isku dayey inaan wejigayga caddeeyo» maadaamaoo ardayda kale igu sheegayeen in «midabkaygu wasakh yahay».

Inantaa yar oo telefoonka kula xidhiidhay xarun talo bixineed oo caruurta loogu talo galay in talo nijada u dhista lagu siiyo oo ay isla hay’adaasi aasaastahay aya iyadoo anfariirsan waxay tidhi «Asxaabtaydu imika ima raacaan waayo dadkaa kolba ku yidhaamaxaad tan yaree jidhka uskaga ah le hula socotaan»

«Waxan ku dhashay Ingiriiska laakiin kuwa ii xoog-sheegtaa waxay igu yidhaahdaan dalkiinii ku noqo. Ma garan karo waxa aan muwaadinad Ingiriis ah u noqon la’ahay»

» Waxaan isku dayey inaan wejigayga caddeeyo si aan dadka ugu ekaado. Inaan iskuulkayga farxad ku dhigtaan doonayaa.

Inan 11 jir ah oo isirkeedu yahay dadka Aasiya ayaa iyadna xaruntaa talefoon ugu sheegtay in ay isku dayday inay muuqeeda bedesho oo ay indho-kuul adeegsato.

«Iskuulka waa la iigu xoog-sheegtaa sababtuna waa inaan Shiine ahay. Caruurta kale waxay igu yidhaahdaan diirkaagu waa huruud, magacyo ayay igu dhejiyeen, runtiina arrintaasi way i naafaysay» ayay tidhi.

» Waxaan isku dayey inaan bedelo muuqayga waxaanay arintaasi igu dirqiday inaan indho-kuul marsado si aan dadka ugu ekaado. Ma doonayo inaan waalidkay u sheego waayo arintu way niyad jabinaysaa.»

Halka inan 16 jir ah oo Muslimad ahina tidhi «dadku waxay igu yidhaahdaan argagixiso, waxeyna igu celceliyaan halkaad ka timid ku noqo»

» Waxaan u malaynayaa dharka Muslinka aan ee an xirto, inuu iga duway dadka.

«mar walba waan is diidsiiyaa, laakiin waxay hada gaartay meel aan is leeyahay, armaa dhib kaa soo gaartaa.»

Daraasadda ay samaysay NSPCC waxay sheegtay in tirada falal dambiyeedka isir nacaybka ah ee booliska soo gaadha ee caruurta 18 jirka ka yari ay ku kacaan inay ka kordheen 8682 oo ay sannadkii 2015-2016-kii ahaayeen oo ay 2017-2018 gaadheen 10,571.

haya’addu waxay booliska UK oo dhan ka codsatay in iyadoo la raacayo xeerka xorriyadda xog helidda loo ogolaad in ay baadho [falal dambiyeedka ay ku kacaan] dadka da’doodu u dhaxayso 38-45 jir.

Hablahaa u badan caruurta la xidhiidha xaruntaa badankooduna waxaa da’da u dhaxaysa 12-15 jir, sida daraasadda lagu ogaaday.

Madaxaxa xarunta, John Cameron, ayaa yidhi «isku xoog-sheegadka caruurta ee noocan ahi waxay dhaawac maskaxeed oo daba dheeraada ku yeelan kartaa caruuta, waxaanay kala qaybin doontaa bulshadeena.»

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments