Trondheim: Sh/ Dr. Cabdinuur Maxamed oo xaley Trondheim ku geeriyooday.

0
178
Foto: Facebook/SH Abdinur Mohamed Mohamud

Dr Abdinuur Maxamed Maxamuud oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalkan Norway, ayaa xaley ku geeriyooday magaalada Trondheim. sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah asxaabtiisa, wuxuu Sheeku xaley saqdii dhexe ku geeriyooday isbitaalka magaalada Trondheim oo mudooyinkii ugu danbeeyay uu jiifay, sababo caafimaad dartood.

Dr/Sh Abdinuur oo ahaa maamulaha xarunta islaamiga ah ee Dar El Eman Islamic Center, ayaa sidoo kale ahaa qoraa qoray dhowr buug oo fahmida diinta islaamka iyo shuruucdeeda loogu bandhigayo dadyowga aan muslimka aheyn. Wuxuuna casharo ka bixin jiray jaamacada Norway iyo shirarka looga hadlo diimaha iyo dhaqanka.

Sheikh Abdinuur ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu marar badan kasoo muuqday warbaahinta lokalka ah ee magaalada Trondheim, isaga oo wariyeyaasha iyo dadka kale ee xiiseyna wax ka ogaanshaha islaamka, uga jawaabi jiray su’ aalaha la xiriira islaamka, muslimiinta iyo soomaalidaba.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments