Sweden: Maxkamada sare oo go´aan ka gaartay hooyo soomaali ah gudniin lagu eedeeyay.

0
229

Maxkamada sare ee socdaalka dalka Sweden ayaa go´aamisay in sharciga degenaanshaha qoxootiga la siiyo haweenay soomaali ah oo lagu eedeeyay inay guday sadex gabdhood oo ay dhashay.

Erik Hjulström oo kamid ah garyaqaanada maxkamada sare ayaa sheegay in:

Arinta aan go’aanka ka gaarney waxay la xiriirtay in dembiga lagu soo eedeeyey uu ka hor istaagayay in la siiyo deggenaansho qaxootinimo rasmiga ah ama inkale.

Xeerka socdaalka Sweden u degsan ayaan qorayo in degenaansho aan qofka la siin karin, haddii ay cadaato in qofka magangelyada codsanayo uu horay waddan dibadda ah ugu soo galay dembi culus.

Gudniinka dumarka ama gabdhaha yaryar ayaa kamid ah danbiyada waaweyn ee ciqaabta adag lagu muteysan karo Sweden. Maxkamada ayaa go´aan ka gaareysay in haweeneydan ay u qalanto in degenaansho la siiyo, iyada oo ku eedeysan danbigan la xiriira gudniinka gabdhaheeda.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku sheegtay in gudniinka uu danbi yahay, balse aan haweeneydan maxkamada lagu soo taagin, maadaama uu falkaas ka dhacay in aysan haweeneydaas soomaalida ah Sweden iman, ama wax xiriir ah la yeelan.

Maxkamada sare ee socdaalka Sweden ayaa ah tan kama danbeysta ah, wuxuuna go´aankan noqon doonaa mid rasmi ah oo haweeneydan soomaalida ah lagu siin doono sharciga degenaanshaha.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments