tirsdag, april 23, 2024

Maxmada sare ee Sucuudiga oo ku dhawaaqay in beri ay ciid tahay.

Sida daqiiqado kahor laga sheegay muuqaal baahiyaha qaranka Sucuudiga, maxkamada sare ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay in dhalashada bisha shawaal laga arkay meelo kamid ah dunida islaamka. Sidaas darteed ay beri noqon doonto maalinta ciida.

Ururada islaamka Norway ayaa horey usii sheegay in ciidu ay ku beegnaan doonto maalinta arbacada ah ee shanta bishan Juni, laakiin dunida muslimka ah waxey inta badan la soomaan ama la afuraan sucuudiga.

Sidaas darteed, dhamaan akhristayaasha warbaahinta NorSom News, waxaan ugu hanbalyeyneynaa farxada maalinta ciida.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x