Siiriya: 11 jir soomaali ah oo dowlada Denmark ka codsaday in la badbaadiyo.

0
84
Foto: Arbeiderpartiet. ReysulwasaarahaDenmark, Mette Frederiksen

Wiil 11 sano jirafa ah oo ku sugan xero qoxooti oo kutaal dalka Siiriya, ayaa dolwada Denmark u diray codsi uu ku dalbanayo in loo soo celiyo dalkii oo ku dhashay ee Denmark.

Wiilkan oo hooyadii ay tahay Daanish dhalad ah, aabihiina uu kasoo jeedo soomaaliya, ayaa kamid boqolaal caruur ah oo waalidkood ay ku biireen kooxdii Daacish ee hada burburtay. Wuxuuna hada xerada qoxootiga kula noolyahay hooyadii iyo afar caruur ah oo la dhalatay.

11-jirkan soomaaliga ah oo u waramay Radio24syv ayaa sheegay inuu dalbanayo in si dhaqso ah looga soo qaado xerada qoxootiga, laguna celiyo Denmark. Isaga oo ka deyriyay noloshada xerada qoxootiga oo ay ku noolaayeen mudo sagaal bilood ah.

Sanadkii 2014 ayay waalidka wiilkan kasoo tageen Denmark, iyaga oo ku biiray kooxdii Daacish. Sadex kamid ah curuurta la dhalatay wiilkan, ayaa ku dhashay Denmark, halka kan afraadna uu ku dhashay gudaha Siiriya/Dowladii islaamiga ah.

Siyaasiyiinta dalalka woqooyiga Yurub ayaa intooda badan isku waafaqsan in caruurta ay waalidiinta u dhashay ama heysta dhalashadooda, dib loogu soo celiyo dalalkooda. Balse waxaa wali muran ka taaganyahay waxa laga yeeli waalidka dhalay ama dadka heysta dhalashada Yurub ee ku biiray kooxdaas, kuwaas oo qaarkood lagu eedeynayo inay ka qeybqaateen gabood falo saga bini-aadantinimada ah.

Xigasho/kilde: 11-årig dreng sender bøn til Danmark: Jeg vil gerne hjem.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments