torsdag, mars 28, 2024

Shaqada wax dhib ah makaa soo gaareen: Waxaad xaq u leedahay qareen lacag la´aan ah: Nala soo xiriir.

Shirkada qareenada Suleiman & co:

  1. Shaqada malagaa ceyriyay?
  2. Malaggu qasbay ama cadaadiyay inaad shaqada joojiso?
  3. Qofka ama shirkada Aad u shaqeyso, hoos ma u dhigay waqtigaaga shaqada, adiga oo aan ogolaansho bixin?
  4. Shaqada malagaaga ceyriyay sababa la xiriira xijaabka aad xirantahay iwm?

Waxaa noo shaqeeyo qareeno aqoon iyo khibrad dheer u leh sharciga shaqada iyo xuquuqdiisa, waxaana horey u caawinay dad badan oo soomaali ah.

Nala soo xiriir, hadii Aad wax dhibaato ah ka tabaneyso shaqadaada. Waxaan ku siin doonaa caawin qareen oo bilaash ah, kiisaska la xiriira ceyrinta iyo shaqo joojinta, waxaana balan kuu qaban doonaa 24 saac gudahood.

Xusuuso:

  1. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawin qareen oo lacag la´aan ah, hadii shaqada lagaa ceyriyo.
  2. Shaqo bixiyuhu shaqada kaama ceyrin karo(joojin karo), hadii aysan jirin sabab sharciga waafaqsan oo ka danbeysa ceyrinta ama joojinta shaqada.
  3. Marka uu shaqo bixiyuhu rabo inuu shaqada kaa ceyriyo, waxaad xaq u leedahay inuu kula yeesho kulan formell ah oo ku dhaganeysanayo fikirkaaga, kahor inta uusan go´aanka gaarin.
  4. Waxaan kaa caawin karnaa inaad shaqadaadii dib u hesho, ama Aad hesho magdhow u dhigma, hadii shaqada si qaldan lagaaga ceyriyay.
  5. Waxaan kula socon doonaa, inta uu kiisku bilaaban, inta uu socdo iyo marka uu dhamaado kadib.

Waxaan qofka siinaa saacad aan ku dhageysano kiiska qofka, si aan u qiimeyno nooca kiiskiisa iyo waxa loo qaban karo.

Nagala soo xiriir: Kontakt oss på 45970350 ama post@scolaw.no, si aad u hesho caawinta sharciyeed ee ku saabsan kiisaska kor ku xusan. Ama si aad u hesho jawaabta su´aasha maskaxdaada kujirto.

Waxaa noo shaqeeyo shaqaale ku hadlo af soomaali iyo carabi.

Waxaan xafiisyo ku leenahay magaalooyinka Oslo, Bergen,Stavanger, Sarsborg iyo Drammen.  Xafiiskeena guud waxa uu kuyaalaa, Dronningens gate 8 A, 0152 Oslo. 

Booqo webkeena: Scolaw.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x