Ra´yi uruurin: 68% soomaalida waxey u codeeyaan xisbiga Ap.

0
96
Siyaasiyiinta xisbiga Ap ee soomaalida ah.

Ra´yi uruurin laga sameeyay xisbiyada ay u codeeyaan soo galootiga kunool dalkan Norway, ayaa lagu sheegay in xisbiyada garabka bidix ay helaan taageerada ugu badan ee soo galootiga kasoo jeedo wadamada Muslimka ah.

Doorashadii 2017, 90% soo galootiga muslimka ah ayaa codkooda siiyay xisbiyada garabka bidix.

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa ra´yi uruurinta lagu ogaaday inuu helo codadka ugu badan dadka soo galootiga ee kasoo wamada muslimka ah.

Sidoo kale xisbiyada SV Iyo rødt ayaa taageero xoogan ku dhex heysto soo galootiga muslimka ah.

Soomaalida iyo Ap:

Riix sawirka, si Aad u hesho maclvuumaad dheeri ah,

Xisbiga shaqaalaha ayaa sida ra´yi uruurintan lagu sheegay hela codadka ugu badan ee bulshada kasoo jeedo wadamada Soomaaliya, Pakistan, Ciraaq iyo Afgaanistaan.

68% soomaalidii codka dhiibatay mudadii u dhaxeysay lixdii sano ee u dhaxeysay 2011 ilaa 2017 ayaa u codeeyay xisbiga shaqaalaha, halka 71% Pakistantu ay Ap u codeeyeen.

Sidoo kale 79 % Afgaanistaanka kunool Norway ee codka bixin kara xiliyada doorashada, ayaa codkooda siiya xisbiga Ap. Halka 68% Ciraaqiyiintu ay taageera Isla xisbiga Ap.

Xisbigada SV iyo Rødt ayaa sidoo kale ku dhex xoogan Soomaaliya.

Xigasho/kilde: Ni av ti aktive muslimer stemmer på venstresiden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments