Qareen Akmal: Magdhow ayaad xaq u leedahay, hadii shaqada dhaawac kugu soo gaaro.

0
149
Qoraaga: Akmal Mohamed, Qareen katirsan shirkada qareenada  Clemetsen & Mohammad AS

Hadii uu kusoo gaaro dhaawac, adiga oo ku gudo jiro shaqada, waxaad xaq u lahaan kartaa magdhow. Waa muhiim inaad buuxiso form-ka(warqada) dhaawaca, aadna u dirto Nav iyo shirkada ceymiska. Shaqadaada ayay tahay inay kaa caawiyaan buuxitaanka formka dhaawaca.

Waxaan marar badan dareenay in goobaha shaqadu aysan NAV iyo shirkada ceymiska u dirin warqada dhaawaca, aysana qofka shaqaalaha ah u sharaxin proseska la xiriira dhaawacyada kasoo gaara shaqada.

Hadii uu dhaawac kusoo gaaro adiga oo kujiro shaqada, waa muhiim inaad document gareyso in dhaawacaas uu shaqada kugu soo gaaray. La hadal madaxa shaqada iyo saaxiibada kula shaqeeyo, una sheeg oo ogeysii waxa dhacay. Dir warbixin qoraal ah oo aad ku sharaxeyso sida ay wax u dhaceen.

Booqo dhakhtarka, una sheeg qaabka ay wax soo gaareen, si aad u hesho cadeyn dhakhtar hadii dhaawac ama jug ay kusoo gaartay.

Hadii aad dareento xanuun ama dhibaato aad la xiriirineyso dhaawaca shaqada, u sheeg dhakhtarkaaga gaarka ah, si laguugu diiwaan galiyo.

Nav iyo shirkada ceymisku, waxa ay qiimeynayaan xiriirka ka dhaxeeyo dhaawaca kusoo gaaray iyo dhibta aad ka cabaneyso. Hadii dhaawacyada aad sheeganeyso, aadan u heynin cadeyn muuqata oo dhakhtarka, wey adagtahay in lala xiriiriyo dhaawaca shaqada kaasoo gaaray.

Waqti dheer ayay qaadan kartaa inaad jawaab ka hesho kiisaska noocan ah. Marka hore waa in dhaawaca shaqada la diiwaan galiyo, kadibna la sameeyo qiimeynta xiriirka ka dhaxeeyo dhaawaca iyo dhibka.

Xusuusnow inaad xaq u leedahay qareen bilaash ah, hadii aad la kulanto dhaawac shaqada ah. Hadii shaki qabto, ama aadan hubin la xiriir qareenkaaga gaarka ah, weydiina su´aalaha aad qabto.

Qareenka ayaa kuu sharixi kara proseska, waxa aad xaqa u leedahay iyo arimaha kaleba.

Qoraaga: Akmal Mohamed, Qareen katirsan shirkada qareenada  Clemetsen & Mohammad AS

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments