Pakistanta oo u dabaaldageyso 50-guuradii imaanshahooda Norway.

0
120

Bulshada asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan ayaa dhawaan u u dabaaldegi doono 50 guuradii kasoo wareegtay, markii qofkii ugu horeeyay ee Pakistani ah uu Norway shaqo doon ahaan kusoo galo.

Sida laga som xigtay SSB, waxaa maanta Norway degan qiyaastii 38.000 oo Pakistani ah, kuwaas oo isugu jiro dad wadanka da´weyn ku yimid, caruur ay dhaleen iyo kuwo sii dhaleen.

Qaban-qaabada xaflada dabaaldega, ayaa waxaa lagu wadaa kasoo qeybgalaan dadka caanka ka ah Norway ee ee kasoo jeedo Pakistan iyo masuuliyiin katirsan dowlada. Iyo dhaqaatiir, qareeno, siyaasiyiin wariyeyaal, fanaano iyo dhamaan dadka magaca ku leh qowmiyada Pakistanta dhexdeeda.

Sida ay sheegeen maamulka qaban-qaabada, waxaa sidoo kale kulanka lagu bixin doonaa bilad sharaf la gudoon siin doono dadka kasoo jeedo qowmiyadaas ee howlaha muhiimka ah ka dhex qabtay Norway.

Pakistanta ayaa qowmiyad ahaan ah dad uruursan oo xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyo qeybaha bulshadooda Norway kunool.

Aamir Javed Sheikh oo ah madaxa ururka qaban-qaabinaya xafladan ayaa sheegay in qowmiyadaha kale ay wax badan kartan Pakistanka.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada ugu badan ee Muslimka ah ee Norway kunool, marka laga soo tago Pakistanta. Balse aan bulsho aheyn kuwo uruursan oo hogaan mideeya leh.

Xigasho/kilde: Norsk-pakistanere feirer at de kom til landet for 50 år siden. Norsk-pakistanere feirer at de kom til landet for 50 år siden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments