Norway: Xeerka suuqa tagaasida oo isbadal weyn lagu sameyn doono.

0
158
Foto: Oslo Taxi-Facebook

Baarlamaanka Norway ayaa maalinta Talaadada ah, ka fariisan doono dhageysiga koowaad ee soo jeedin ka timid dowlada, kuna saabsan in isbadal lagu sameeyo xeerka gaadiidka tagaasida ee dalkan Norway. (Endringer i yrkestransportlova (oppheving av behovsprøvingen for drosje mv.)

Dowlada ayaa sanadkii hore soo jeedintan usoo gudbisay baarlamaanka, waxaana dhageysiga koowaad uu dhici doonaa maalinta talaadada ah ee isbuucan.

Isbadalka ugu weyn ee dowladu ay rabto, ayaa ah in meesha laga saaro xeerka qeexaya in tiro go´an oo tagaasi ah ay ka shaqeeyaan magaalooyika waaweyn. Waxeyna dowladu rabtaa in la fasaxo in qof kasta uu buuxiya shuruuda, loo ogolaado helista ogolaanshaha wadista tagsiga.

Isbadalkan ayaa hadii uu meel maro, wuxuu ka dhaqan gali doonaa Oslo iyo magaalooyinka kale ee waaweyn.

Helge Orten oo ah gudiga gaadiidka dadweynaha ee baarlamaanka, kana tirsan xisbiga Høyre ayaa sheegtay in isbadalkan cusub uu tartan ka furi doono suuqa tagaasida, isla markaana ay ka fa´iidey karaan dadweynaha adeegsada tagaasida. Maadaama uu sicirku hoos u dhici doono, tartana uu ka furmi doono suuqa tagaasida, si meesha looga saaro xarumaha kooban ee hada «monopoliga» ku heysta suuqa.

Helge ayaa sidoo kale raacisay in isbadalka cusub ee fursad siin karo isbadalka teknooliyajada casriga ah iyo shirkadaha ku shaqeeyo, si loo fududeeyo baahida dadweynaha.

Xeerkan cusub ayaa hadii uu dhaqangalo, wuxuu suuqa u furi doonaa shirkada UBER oo horey Norway looga mamnuucay, iyo shirkadaha kale ee lamidka ah.

Xarumaha dhexe ee tagaasida Oslo iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, ayaa isbadalkan ka muujiyay dareen xoogan, waxeyna sheegeen in isbadal uu ka imaan karo heerka adeega dadweynaha ee gaadiidka dadweynaha.

Xisbiyada baarlamaanka intooda badan, ayaa isku raacsan qorshaha isbadalka xeerka tagaasida, waxeyna u muuqataa inuu meel mari doono.

Xigasho/kilde: E24: Tirsdag setter norske politikere strek over drosjemonopolet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments