Norway: Soomaaliya waxaa laga dareemayaa xasilooni siyaasadeed iyo isbadalo muuqdo.

0
162
Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Arimaha dibadda Norway, Inne Ireksen.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide iyo wafdi balaaran oo ay hogaamineyso, ayaa shaley safar shaqo ku tagay magaalada Muqdisho. Waxaana safarkeeda ku weheliyay safiirka Norway ee Soomaaliya, Elin Bergithe Rognlie, ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjørn Heinesiyo shaqaale katirsan wasaarada arrimaha dibadda Norway.

Wasiiradda arimaha dibadda Norway, Inne Eriksen Søreideayaa kulamo la qaadatay madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajoiyo reysulwasaare Xasan Cali Kheyre

Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmay wasiiro katirsan dowlada federaalka ah, madaxda hey´addaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, iyo ururada gargaarka ee ka shaqeeyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo wasaarada arrimaha dibadda Norway ay kasoo saartay booqashada wasiiradda arimaha dibadda ee Soomaaliya, ayay Norway  dowlada Soomaaliya ku amaantay dadaalka iyo isbadalada ay dalka ka hirgalisay labadii sano ee ugu danbeysay. 

Wasiirad Inne Eriksen ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay in dowlada Soomaaliya ay markii ugu horeysay muddo toboneeyo sano ah, laga dheehan karo xasilooni siyaasadeed iyo isbadalo aas-aasi ah oo muuqdo. Waxeyna raacisay in Norway ay soomaaliya la garab taagantahay taageero joogto ah, si loo dhameystiro, loona taabo-galiyo isbadaladan muhiimka ah.  

Norway ayaa tusaale usoo qaadatay diiwaan galinta “Bio-metrica” ah ee shaqaalaha iyo ciidanka dowlada, si looga hortago musuq maasuq dowlada dhexdeeda ah, isla markaana loogu xisaabtamo awooda shaqaale iyo mida ciidan ee dowlada federaalka ah. Arintaas oo sheegtay inay bilow aas-aasi ah u noqon karo isbadalada kale ee dalka laga hirgalin doono.

War saxaafadeedka ay dowlada Norway soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in labado sano ee soo socdo ay laga maar-maan tahay in la dhameystiro isbadalada dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada ee dowlada Soomaaliya ay hada ku howlantahay. 

Norway ayaa dhanka kale qirtay in isbadalada ka socdo Soomaaliya ay soo jiiteen kalsoonida iyo indhaha beesha caalamka, dowlada Soomaaliyana loo qirsanyahay dadaalka iyo howsha balaaran oo ay wado.   Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay dowlada Norway, ayaa sidoo kale looga digay khataro ka dhasha isbadalka cimilada aduunka, kuwaas oo saameyn ku yeelan karo Soomaaliya. 

Xigasho/kilde: Utenriks- Dep.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments