Norway: Sadex milyan oo isku-deyga tarxiilka qoyskan ku baxday.

0
89
Labo kamid ah caruurta qoyska reer Abbasi Foto: Amnesty international

qeybta booliska Norway u qaabilsan qoxootiga ee PU ayaa bilowgii isbuucan sheegay in dowlada dalka Afgaanistaan ay diiday inay qaabisho sadex dhalinyaro walaalo ah oo dalkaas u dhashay, kuwaas oo Norway laga tarxiilay.

Sheekada qoyskan oo maalmahan aad looga hadalhayay warbaahinta Norway, ayaa waxaa markii hore laga qabtay magaalada Trondheim, waxaana loo gudbiyay qeybta tarxiilka. Iyada oo markii danbena la saaray diyaarad kiro ah oo la rabay in looga dajiyo Afgaanistaan.

Hooyada sadexdan walaalaha ah ayaa ku xunuunsatay, markii danbena ku suuxday intii ay dhexda ku jireen. Waxaana ay boolisku ku qasbanaadeen inay hooyada ku reebaan Turkiga, halka ay sadexda ilmood damceen inay ka dajiyaan Afgaanistaan.

Dowlada Afgaanistaan ayaa diiday inay qaabisho caruur aysan waalidkood la socon, waxaana markii danbe hooyada iyo caruurteeda dib loogu soo celiyay Norway. Iyaga oo talaadadii kasoo dagay garoonka diyaaradaha Oslo.

3 milyan ayaa ku baxday:

Sida uu qoray TV2 oo helay xisaabta qarashka ku baxay howlgalkan ay boolisku ku rabeen inay ku tarxiilaan qoyskan, ayaa waxaa isku dar ku baxay lacag dhan 3 milyan oo Krone.

Booliska ayaa tarxiilka qoyskan u kireystay diyaarad kiro ah oo nooca gaarka loo leeyahay ah. Taas oo labo mar ay soo kireysteen sii socod iyo soo socod.

Isku dar 18 xubnood oo boolis ah ayaa ka qeybqaatay howsha xoog ku tarxiilista qoyskann, waxaana sidoo kale diyaarada saarnaa kalkaaliso caafimaad iyo dhakhtar.

Isku deyga fashilmay ee tarxiilka qoyskan aan magangalyada ku heysan Norway, ayaa waxaa dowlada aad loogu dhaleeceeyay ka bad-badinta adeegsida awooda booliska.

Xigasho/kilde: TV2: Utsendelsen av Abbasi-familien har kostet rundt tre millioner kroner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments