Norway: Maxkamada sare oo go´aan ka gaareyso qaadista racfaanka dacwada UDI-da iyo hooyo soomaali ah.

0
92
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada darajad labaad ee racfaanka ayaa dhawaan xukuntay in Yasmin Kristensen oo ah hooyo soomaali ah, ay sii joogto Norway, kadib markii dowladu ay go´aansatay inay dalka ka saarto.

Yaasmiin oo ah hooyo afar caruur ah ku dhashay Norway, ayaa lagu eedeeyay inay ka been sheegtay asalkeeda, markii magangalyada ka codsaneysay Norway. Waxeyna sheegatay inay kasoo jeedo Soomaaliya, inkasta oo gadaal ay kasoo baxday inay kasoo jeedo dalka Jabuuti.

UDI-da ayaa soo saartay go´aan ah in Yaasmiin dib loogu ceshto dhalashada Norway, lagana tarxiilo wadanka. Laakiin Yaasmiin ayaa racfaan ka qaadatay go´aankaas.

Maxkamada darajada labaad ayaa kiiska u xukmisay Yaasmiin, iyada oo loo fiiriniyo xuquuqda caruurteeda, aana caruurta laga fogeyn xanaanada hooyadood.

Garyaqaanka dowlada ayaa mar kale racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada rajada labaad, wuxuuna codsaday in maxkamada sare ay dhageysto kiiska u dhaxeeyo dowlada iyo Yaasmiin.

Maxkamada sare ayaa bisha danbe ee Juli la filayaa inay go´aan ka gaarto dhageysiga dacwada Yaasmiin iyo dowlada. Waxeyna hadii ay maxkamadu dhageysiga kiiskan aqbasho noqoneysaa, markii ugu horeyso oo maxkamada Norway ay dhageysato kiis noocan ah.

Dadka deegaanka ay yaasmiin degantahay ee Lyngdal ayaa ilaa markii uu kiiskan soo shaac baxay Yaasmiin iyo qoyskeeda la garab taagnaa taageero dhaqaale iyo mid moral ah.

Xigasho/kilde: Lyngdalavis

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments