Norway: Labo qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sandvika

0
157

Labo qof ayuu dhaawac fudud kasoo gaaray qarax shaley galabtii ka dhacay kaalin shidaal oo kutaal senterka magaalada Sandvika. Qaraxa ayaa ahaa mid Aad u xoogan, waxaana dhawaqiisa aad looga maqlay senterka magaalada Sandvika iyo xaafadaha ku xeeran.

Sida ay boolisku sheegeen, qaraxan ayaa ka dhashay mid kamid haamaha gaaska «hydrogen-ka» ee shirkadaha UNO-X, wuxuuna sababay in isku socodka gaadiidka Oslo iyo Sandvika uu hakad galo mudo saacado ah.

Booliska ayaa war ay saaka soo saareen ku sheegay inay wali baaritaan ku wadaan, goobtii uu shaley ka dhacay Qaraxa. Iyaga oo raaciyay in jidadka waaweyn ee E-18 iyo E-6 ee looga baxo Sandvika, marka Oslo loo socdo ay wali xiranyihiin.

Shirkada UNOX ayaa dhankeeda sheegtay inay xireyso dhamaan kaalimaha shidaalka ee shirkada, ilaa inta laga ogaanayo sababta raspiga ah ee dhalisya qaraxa shaley ka dhacay xaruntooda Sandvika.

Xigasho/kilde: VG: Eksplosjon på hydrogenstasjon i Sandvika: – Svært overrasket

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments