Norway: Laacib Soomaali ah oo heshiis sadex sano ah u saxiixay kooxda Bodø/Glimt ee horyaalka koowaad.

0
113
Foto: glimt.no

Sida lagu sheegay shir saxaafadeed ay shaley qabatay kooxda Bodø/glimt oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkan Norway, waxey kooxdaas heshiis sadex sano ah u wada saxiixday sadex laacib oo dhalinyaro.

Mid kamid ahna uu yahay Adan Hussein oo ah 16 sano jir soomaali ah, oo katirsanaa dhalinyarada kooxdaas.

Adan ayaa Bodø usoo wareegay sanadkii hore, wuxuuna ka ciyaari jiray kooxda dhalinyarada ee Bodø, ugu danbeyna maamulka iyo macalinka kooxdaas ayaa sadex dhalinyaro ah oo uu Aden ka kamidyahay siisay heshiis rasmi ah oo sadex sano ah. Waxeyna toos ugu biiri doonaan kooxda koowaad ee ka ciyaarta horyaalka.

Aden oo wareysi siiyay wargeyska Vesterålen ayaa sheegay inuu ka faraxsanyahay, kana mahad naqayo fursada ay kooxdaas siisay iyo heshiiska uu saxiiyay. Wuxuuna raaciyay in taas ay arintan ay u tahay talaabo wanaagsan oo uu dhanka saxda ah u qaaday.

Xigasho/kilde: Adan har signert proffkontrakt med Bodø/Glimt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments