Norway: Kooxda Rosenberg oo isha ku heysa 14-jir soomaali ah.

0
236
Foto: Namdalavisa Sawirka Sakariye Faarax

Kooxda Rosenberg oo kamid ah kooxaha ugu guulaha badan horyaalka kubada cagta dalkan Norway, ayaa isha ku heysa 14-sano jir soomaali ah, oo lagu magacaabo Sakariye Faarax.

Sakariye oo dhawaan oo loo xushay inuu ka qeybqaato iskuulka xidigaha mustaqbalka ee  «Equinor talentleir», ayaa sida uu qoray wargeyska Namdalavisa, waxaa isha ku hayo naadiyo waaweyn oo ka dhisan dalkan Norway.

Wuxuuna wargeysku qoray in Sakariye ay tababarka kusoo booqdeen, xiisana ay u muujiyeen macalimiin ka socdo kooxda Rosenberg ee hortaalka dalkan Norway.

Iskuulka tababarka xidigaha mustaqbalka «Equinor talentleir» ee Sakariye loo xushay inuu ka qeybqaato, ayaa waxaa sanad walba tartan u galo boqolaal ciyaaryahano oo rabo inay indhaha kooxaha waaweyn u muujiyeen awoodooda ciyaareed. Waxaana horey uga soo baxay xidigo waaweyn oo qaarkood ay hada ka ciyaaraan horyaalada waaweyn ee kubada cagta. Martin Ødegaard oo hada katirsan kooxda Real Madrid ayaana kamid ah xidigaha kasoo baxay iskuulkaas.

Dhamaan macalimiinta tababaray Sakariye ayaa isla qirayo, inuu leeyahay xirfad iyo awood ciyaareed oo sare. Uuna aad ugu fiicanyahay gool dhalinta.

Xidigan dhalinayrada soomaaliga ah, ayaa wargeyska u sheegay inuu hadafkiisu uu yahay inuu ku dadaalo ka miro dhalinta himadiisa ciyaareed ee mustaqbalka.

Xigasho/kilde: Namdalavisa.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments