fredag, april 19, 2024

Norway: Gabdho soomaali ah oo maxkamadeyn kara qoraa buug ka qortay noloshooda.

Labo gabdhood oo walaalo ah, ayaa sanadkii 2013 ka tagay Norway, waxeyna aadeen dalka Siiriya, halkaas oo ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

Sheekadan gabdhahan walaalaha ah, ayaa aad looga hadalhayay warbaahinta Norway, waxaana sanadkii 2016 buug loogu magacdaray «To søstre» noloshooda ka qoray qoraa lagu magacaabo Åsne Seierstad.

Åsne Seierstad ayaa kamid ah qoraayaasha ugu caansan Norway, waxeyna buuga ka heshay faá´iido dhan malaayiin Kroner.

Wargeyska Aftenposten ayaa maalmo kahor sheegay in gabdhihii ay noolyihiin, ayna ku suganyihiin gudaha Siiriya. Waxeyna shegeen inay rabaan in Norway ay kusoo noqdaan.

Maxkamadeynta qoraa buug ka qoray:

Sida ay wargeyska Klassekampen u sheegeen qareeno, gabdhaha soomaalida ah ayaa maxkamad la fuuli kara qoraaga buuga ka qortay noloshooda.

Qareenadan ayaa qoraaga Åsne Seierstad ku eedeynaya inay ku xadgudubtay ilaalinta nolosha gaarka ah ee qofka, ayna buugeeda ku daabacday qoraalo shaqsi ah, kuwaas oo aysan ogolaansho ka weydiisan gabdhaha walaalaha ah.

Qoraaga ayaa sheegtay in sheekada buuga ay ku saleysan dokumentiyo ay ka heshay qoyska gabdhaha, waxeyna qiratay in qoraalada qaarkood oo ay buuga ku daabacday aysan ogolaansho ka helin gabdhaha ay noloshooda wax ka qortay.

Qareen Per Danielsen ayaa Klassekampen u cadeeyay in qoraaga buuga ayaad u xadgudubtay nolosha gaarka ah ee gabdhaha, maxkamadna lagu saari karo arintaas.

Ma ahan markii koowaad oo buug ay qoraagan qorto lagu saaro maxkamad. Horey waxaa u dacweeyay nin u dhashay dalka Afgaanistaan, kaas oo ay noloshiisa buug ka qortay. Wuxuuna ku eedeeyay inay si aad ah ugu xad gudubtay noloshiisa gaarka ah, iyo tan qoyskiisaba

Maxkamada buuga «bokhandleren i kabul» ayaa markii danbe gaartay ilaa maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

Xigasho/kilde: KlassekamDe to norsk-somaliske søstrene som nå er funnet i live i Syria, kan ha grunn til å vurdere søksmål mot forfatter Åsne Seierstad, mener advokater

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x