Sayid Daahir-Mid kamid ah hormuudkii gudiga gurmadka Norway oo Ethiopia lagu dilay

2
235

Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa, waxaa Allaha u naxariistee gudaha dalka Ethiopia lagu dilay Sayid Daahir Sheikh Maxamuud oo kamid ahaa samafalayaasha iyo odoyaasha soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanay gudaha dalkan Norway.

Sayid Daahir oo sidoo katirsanaa madaxda gudiga gurmada musiibooyinka dalkan Norway, ayaa kamid ahaa dadka aadka uga dhex muuqday dhamaan howlihii samafalka iyo gargaarka ahaa ee sanadihii ugu danbeeyay ka dhacay dalkan Norway.

Dilka Marxuumka ayaa sida ay noo sheegeen qaar kamid ah eheladiisa, ayaa ka dhacay Degmadda Kudunbuur ee Gobolka Qoraxeey, ee gobolka soomaalida Ethiopia. Halkaas oo Sayid Daahir uu u tagay howl la xiriirta samafal. Waxaana dilka argagaxa leh ee Sayid Daahir loo tirinayaa inay ka danbeeyeen ciidamada Liyuu booliska ee deegaankaas.

Tacsida geerida naxdinta leh ee Sayid Daahir Sheikh Maxamuud, ayaa shaley iyo xaley aad looga dareemayaa baraha bulshada soomaalida Norway iyo goobaha ay dadku ku kulmaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

2 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Mahamed
Mahamed
3 years ago

W

Mahamed
Mahamed
3 years ago

Delka abtegey Daahir ilaahayow unaxareeso