Mid kamid ah isbitaalada ugu weyn Norway oo qarka u saaran in albaabada loo laabo.

0
198
Isbitaalka Ullevål sykehus

Gudiga maamulka ee Sør-Øst ayaa shaley meelmariyay go´aan ah in albaabada loo xiro isbitaalka Ullevål Sykehus ee Oslo, taas badalkeedana isbitaalo cusub laga furo Aker iyo Gaustad.

Go´aankan ayaa ahaa mid in mudo ah uu muran ka taagnaa, waxaana wali Jiro rajo laga qabo in la baajiyo qorshaha xiritaanka isbitaalka Ullevål oo kamid ah isbitaalada ugu waaweyn Norway.

Go´aanka kama danbeysta ah ee la xiriira xiritaanka isbitaalka, ayaa wuxuu kujiraa gacanta baarlamaanka oo ka doodi doono qorshaha maalgalinta isbitaalada cusub ee lagu badali doono Ullevål.

Xisbiga Rødt iyo SV oo kasii digay xiritaanka isbitaalka, ayaa sheegay inaysan wali ka quusan badbaadinta isbitaalka.

Sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeyo Ullevål ayaa sheegay inay ku banaanbixi doonaan go´aanka ay gaareen gudiga maamulka ee lagu xiyayo isbitaalka.

Xigasho/kilde: Ullevål sykehus legges ned

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments