Maryan Xuseen oo noqotay soomaaligii ugu horeeyay ee kasoo muuqday baarlamaanka Norway.

0
154
Foto: Stortinget.no

Maryan Cabdi Xuseen oo ah siyaasiyad soomaali ah oo katirsan xisbiga SV, kana mid ah golaha dhexe ee xisbigaas, ayaa noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kasoo muuqday baarlamaanka Norway.

Maryan ayaa sidoo kale noqon doonto xildhibaankii ugu horeeyay ee isaga oo xijaab xiran kamid noqdo golaha baarlamaanka Norway.

Siyaasisadan dhalinyarada soomaalida ah ayaa sanadkii 2017, kamid aheyd musharaxiinta baarlamaanka Norway, laakiin uma suurtogalin inay si toos ah usoo gasho baarlamaanka. Taas badalkeeeda, waxey heshay mid kamid ah boosaska xildhibaan ku xigeenada.

Waxeyna markan baarlamaanka kusoo gashay boos xajiye ahaan(Vara), iyada oo SV baarlamaanka xildhibaan ahaan ku matali doonto, ilaa shaqada uu kusoo noqonayo xildhibaanka ay badashay.

Marian oo wareysi siisay wargeyska lokalka ah ee Vårt Oslo, ayaa sheegtay inay wax lagu faano ay tahay, Inay kamid noqotay golaha baarlamaanka Norway, si ay usoo bandhigto arimaha dad badan oo Oslo iyo wadanbkaba ku dhaqan, ay dareemayaan.

Waxeyna sii raacisay in waxyaabo badan oo muhiim ah oo wadanka ka Dhaca, go´aan looga gaaro golaha baarlamaanka, ayna ku faraxsanyahay Inay heshay fursad ay si toos ah golaha dhexdiisa ay su´aalo uga weydiiso xukuumada.

Halkan ka fiiri, muuqaalkii kalfadhigii koowaad oo ay Marian ka qeybgasho.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments