Ma mudna in dib u qiimeynta qoxootiga Soomaalida lagu bixiyo Waqti iyo lacagta canshuurta dadweynaha.

0
184

Dowlada Norway ayaa sadex sano mayor soo saartay go´aan ay ku sheegeyso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahida magangalyo ee 1600 oo soomaali ah. Walina waxey jawaabta codsiga degenaanshaha rasmiga ah kala maqantahay boqolaal qof oo dalkan soo galay wax badan 6 sano kahor.

Waxaa beryihi ugu danbeeyay aad usoo badanayay cadaadiska dowlada Norway lagu saarayo in xaalada dadkaas waqtiga badan jawaabta sugayay wax laga qabto. Lana fududeeyo kiisaskooda, si aan looga sii lumin waqti kale oo ay nolol wadanka uga sameysan lahaayeen.

Labo isbuuc kahor waxaa soo baxay daraasad cilmiyeysan oo lagu baarayay xaalada ay ku suganyihiin dadkaas, iyada oo lagu sheegay in siyaasada dowlada ee ka dhanka qoxootiga ay dhaawac weyn u geysaneyso fursada dhexgalka iyo kamid noqoshada qofka ee bulshada Norway.

Maanta, waxaa maqaal ay arintan uga hadleyso, dowladana baaq ugu direyso, wargeyska Dagsavisen kusoo qoray Mona Reigstad Dabour oo la taliye ka ah hey´adda NOAS.

Mona ayaa maqaalkeeda ku sheegtay in waqtigit iyo lacagtii ay dowladu aheyd inay ku bixiso, sidii dadkaas bulshada ay u dhexgali lahaayeen, loo adeegsanayo go´aamo adag oo aysan sahlaheyn in xal laga gaaro.

Waxeyna sheegtay in canshuurta dowlada aysan mudneyn in loo adeegsato go´aan aan muuqan laga gaari karin, dadkaasna aan laga dilin waqtiga.

halkan kasii akhri(les mer her): Ny instruks fører til bråstopp i integreringen av flyktninger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments