Khabiir: Norway dano waaweyn ayay Soomaaliya ka leedahay

0
139
Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Arimaha dibadda Norway, Inne Ireksen.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide, ayaa shaley booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayadoo halkaas wadahadallo kula yeelatay madaxda dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa Norway uga mahad celisay taageerada ay ka siiso dhinacyada horumarka, siyaasada, dhaqaalaha iyo gargaarka. waxeyna muujisay xidhiidh sii xoogaysanaya uu u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Norway.

Wasiiradda ayaa dhankeeda soo saartay war saxaafadeed ay dowlada Soomaaliya ku amaaneyso horumarka ay sameysay labadii sano ee ugu danbeeyay. Iyada oo sheegtay in Soomaaliya hada laga dareemayo xasilooni siyaasadeed iyo horumar muuqdo.

Xayeysiin: Shirkada qareenada iyo sharciga ee Suleiman & CO

Danta Soomaaliya ee Norway:

Dr Abuukar Yuusuf Warsame oo ah khabiir barre ka ah jaamacad kataal dalka Sweden ayaa BBC-da u sheegay in Norway ay dano waaweyn oo mustaqbalka ah ka leedahay Soomaaliya.

«Norway dan bay Soomaaliya ka leedahay, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba, Soomaaliduna dan bay leedahay, laakiin danta Norway ay leedahay ayaa ka wayn tan Soomaalida»

Norway ayaa horay heshiisyo dhanka baadhista shidaalka ah ula gashay dalka Kenya oo muran dhanka badda ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya.

Sida uu qabo Dr Abuukar Norway ayaa khasaare ku qabta haddii uu sii socdo muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka badda.

Norway ayaa horay sahan uga samaysay aag badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in Norway ay rabto in hal waraf ay labo shimbir ku dilaan, oo aysan doonayn in marna ay khasaarto ayadoo labada dhinacba heshiis kula jirta.

«Haddii Soomaalidu ku guulaysato kiiska badda, Norway waxay doonaysaa in ayadu ay hoggaamiso mashaariicda horumanineed» ayuu yidhi Dr Abuukar.

Norway ayaa tababarro u samaysa shaqaalaha wasaaradaha batroolka iyo Maaliyadda ee Soomaaliya, waxay sidoo kale halkaas ka fulisaa barnaamijyo door ah oo horumarineed.

«Dadadaalladaas faraha badan, Norway waxay uga golleedahay in ay noqoto cidka ugu horraysa ee ka faa’idaysata khayraadka Soomaaliya haddii ay Soomaaliya ku guulaysato dacwadda muranka badda».

Si kastaba ha ahaatee xidhiidhka Soomaaliya iyo Norway ayaa u muuqda mid aad usii xoogaysanaya ayadoo dhanka kale uu jiro muran u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo Norway ay labada dhinacba heshiis kula jirto.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments