Kal-kaaliye dilay 85 qof oo xabsi daa´in lagu xukumay.

0
140

Maxkamada dalka Germany ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday kalkaaliye jarmal ah, oo la aamin san yahay in 85 bukaan ah uu ku dilay xarun caafimaad oo gaar loo Leeyahay.

Garsoore Sebastian Buehrmann ayaa Khamiistii shaley aheyd ku dhawaaqay Go,aankan, waxaana uu sheegay in qoysas badan uu xanuun ku abuuray kal-kaaliyaha lagu magacaabo Niels Hoegel.

42-jirkaan ayaa dilay bukaano badan intii u dhaxeysay sanadkii 2000 ilaa 2005-tii. Cirbado Sumeysan ayuu kaaliyaha caafimaad u adeegsaday bukaano soo booqday xaruntiisa, kuwaasi oo ugu danbeyn u geeriyooday, ka hor inta uusan arkin mid ka mid ah kalkaaliye yaasha.

Mr Hoegel ayaa 85-ta bukaan uu dilay ay da’dooda u dhaxeysay 34 ilaa 96 Sano.

Eedeysanahaan oo awalba horey ugu xukunaa xabsi 10 sano ah, oo isla danbigan la xiriira, ayaa hada lagu helay danbi ah in uu dilay 6 bukaan oo hor Leh.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments