Jawaab: Qaabkan ayay Maryan ku noqotay xildhibaan, iyada oo aysan doorasho dhicin.

0
114
Foto: Stortinget.no

Maryan Cabdi Xuseen oo ah siyaasiyad soomaali ah, kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga SV, ayaa isbuucii hore gashay buuga taariikhda soomaalida Norway. Waxeyna noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee soomaali ah, oo kasoo muuqdo baarlamaanka Norway.

Maryan ayaa sidoo kale noqotay xildhibaankii ugu horeeyay, ee iyada oo xijaab xiran kasoo muuqato golaha shacabka dalkan Norway. Waana taariikh kale oo gaar ah, oo ay iyada ugu horeysay. Una sameyn doonto xushmad gaar ah, bulshada muslimiinta ee Norway kunool dhexdooda.

Halkan ka akhri wareysi Dheer oo ay siisay Dagbladet

Qaabkee ayay baarlamaanka kusoo gashay doorasho la´aan:

Waxaa nala soo weydiiyay su´aalo badan oo qoraal ah, kuna saabsan qaabka ay ku dhacday in qof aan baarlamaanka ku jirin markii ay doorashada dhacday, uu hada baarlamaanka soo galo, ama loogu yeero xildhibaan.

Maryan ayaa ku jirtay liiska musharaxiinta xisbiga SV uga sharaxnaa magaalada Oslo, doorashadii 2017. Waxeyna ku jirtay booska 5-aad ee liiska xildhibaanada Oslo.

Inkasta oo xisbiga SV uu guul fiican ka gaaray doorashadii 2017, hadana Maryan uma suurtogalin inay soo gasho baarlamaanka. Waxeyna xisbigeeda golaha ka heleen 11 xildhibaan, halkii markii hore ay heysteen 7 xildhibaan(Afar xildhibaan oo dheeri ah ayay heleen).

Xildhibaan ku xigeen(Vara):

Caadi ahaan marka ay doorashadu dhacdo, musharaxiinta soo gala baarlamaanka ma ahaane, waxaa qaar kamid ah kuwa soo gali waayay, lagu qoraa inay noqdaan xildhibaan ku xigeeno(Vara).

Xildhibaan ku xigeen(Vara) ayaa ah boos loogu talagalay inuu noqdo boos buuxiye, hadii xildhibaanka tooska ah uu xanuunsado, mashquulo, fasax galo, wasiir noqdo ama uu is casilo. Waana boos loo diyaariyay in lagu kabo xildhibaanada golaha baarlamaanka tooska u galay.

Maryan ayaa kamid aheyd xildhibaan ku xigeenada xisbiga SV(Stortinget.no: Marian Hussein (SV) Vararepresentant for Oslo 2017-2021). Waxeyna markan heshay jaanis ah inay xildhibaan ka noqoto baarlamaanka, maadaama dhowr xildhibaan oo SV katirsan ay sababo kala duwan shaqada baarlamaanka uga maqanyihiin.

Waxeyna xildhibaan kasii ahaan doontaa baarlamaanka, qabana doontaa shaqadii xildhibaanka caadiga ahaa, ilaa uu kasoo noqonayo qofkii booskaas caadi ahaan u fadhiyay.

Isbuucii ugu horeeyay ee baarlamaanka, waxey wax ka gudbisay hindise sharciyeed ku saabsan in qorshe howlgal loo sameeyo islaam iyo muslim naceybka(Representantforslag om en egen handlingsplan mot islamofobi og muslimfiendtlighet). Kaas oo dhageysiga koowaad loo gudbiyay xubnaha baarlamaanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments