Dowlada oo rabta in Baasaboorka laga xareeyo, caruurta khatarta ugu jiro in wadanka laga saaro

0
137
Foto: Twitter-Jøran Kallmyr Wasiirka cadaalada Norway.

Dowlada Norway ayaa jimcihii lasoo dhaafay baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeed ay rabto in lagu badalo sharciga baasaboorka Norway, si dowladu ay awood ugu hesho inay baasaboorka ka xareyso caruurta khatarta ugu jiro in wadanka laga bixiyo, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Dowlada ayaa qoraalka soo jeedinta hindise sharciyeedka ku xustay inay rabto, inay ka hortagto guurka qasabka ah iyo caruurta wadanka laga bixiyo, loogana soo tago wadanka dibadiisa iyaga oo aan raali ka aheyn.

Soo jeedintan ayaa salka ku heyso, kadib markii TV-ga NRK uu soo bandhigay sheekooyinka caruur soomaali ah, kuwaas oo sheegay in loo dhaqan celiyay Soomaaliya, ayna lasoo kulmeen jirdil iyo ciqaab nafsiyahan ah.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto in la fududeeyo in caawin loo fidiyo caruur raba inay Norway dib ugu soo noqdaan.

Xigasho/kilde: Vil endre passregler for å hindre at norske barn blir sendt til koranskoler. Regjeringen vil ta passet fra barn og unge som står i fare for å bli sendt ut av landet mot sin vilje.

.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments