onsdag, april 24, 2024

Denmark: Xukuumada cusub oo ka noqotay qorshihii xiritaanka qoxootiga ee jaziirada lama degaanka ah.

Xisbiyada garabka bidix ee ku guuleysatay doorashadii baarlamaanka dalka Denmark, ayaa shaley ku heshiiyay qorshaha dhisitaanka xukuumad wadaag ah.

Waxeyna wada galeen heshiis ku saabsan qaabka ay xukunka xukuumada u wadaagayaan, iyaga oo reysulwasaare u doortay Mette Frederiksen oo ah gudoomiyaha xisbiga Sosialdemokratiet.

Riis sawirka, si Aad u hesho maclvuumaad dheeri ah, ama la xiriir telefoonka ku qoran.

Mid kamid ah heshiisyada ay xisbiyadan galeen ayaa ah in la laalo ama la joojiyo qorshe ay soo jeedisay xukuumadii ka horeysay, kaas oo ku saabsanaa in soo galootiga heysta diidmada codsiga magangalyada, aana wadankoodii lagu celin karin, lagu xareeyo jaziirad lama degaan ah oo bada dhexdeeda kutaal.

Halkan ka akhri qorshahaas: Denmark, soo galootiga aan wadankoodii ku celin karin, waxaan ku xareyn doonaa jaziirad lama degaan ah

Qorshahaas ayaa sanadkii hore noqday mid Aad muran uga dhex dhaliyay siyaasiyiinta dalkaas, isaga oo ahaa mid sop jeediyay indhaha caalamka, muujijeyna xeerka xagjirnimada siyaasada soo galootiga ee dowlada Denmark.

Xigasho/kilde: Partiene er blant annet enige om å droppe planene om å sende utviste utledinger til øya Lindholm.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x