Denmark: Xukuumada cusub oo fursad siin doonto qoxootiga soomaalida ah

0
96
Foto: Fiksimale/Politiken.dk

Xukuumada cusub ee dalka Denmark taladiisa la wareegtay labo maalnood kahor, ayaa sheegtay inay jaanis cusub siin doonto qoxootiga soomaalida ah ee lagu wargaliyay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono baahidooda magangalyo.

Xukuumada cusub ayaa sharci ay soo saartay ku sheegtay in qoxootiga labadii sano ee ugu danbeeyay heystay shaqo rasmi ah(fast ah), ay xaq u leeyihiin inay Denmark sii joogaan. Halkan kasii akhri warkan

Arintaas ayaa fursad cusub siineyso boqolaal qoxooti ah oo qaarkood horey loogu wargaliyay inay dalkoodii dib ugu noqdaan.

Amaanka muqdisho oo shaki la galiyay:

Xukuumada cusub ayaa sidoo kale su´aal ka keentay amaanka magaalada Muqdisho xiliga la joogo. Iyaga oo sheegay inaan la damaanad qaadi karin amaanka shaqsiyeed ee qoxootiga soomaalida ah, hadii lagu celiyo magaalada Muqdisho.

Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in dadka qoxootiga ah oo aysan wali kiiskooda maxkamad go´aan ka gaarin, ay heli karaan fursad cusub oo ay dalka Denmark ugu sii noolaadaan.

Wasiirka cusub ee soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Denmark, Mattias Tesfaye ayaa kamid ahaa dadkii xukuumadii hore aadka ugu dhaleeceyn jiray celinta qoxootiga soomaalida ah, iyo guud ahaan siyaasada xukuumadii hore ee soo galootiga.

Isku soo wada duubaa, xukun la wareegista xisbiyada garabka bidix ee awooda dalka Denmark, ayaa fursad cusub siin karto kumanaan qoxooti oo dalkaas ku nool. Kuwaas oo shaki uu uga jiray kusii noolaanshaha mustaqbalkooda ee Denmark.

Xigasho/kilde: Regeringsaftale kan hindre hjemsendelse af somaliere.

Politiken.dk: Somaliere, som risikerer at blive sendt hjem, får nu en ny chance

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments