Denmark: Siyaasi asalkiisu Ethiopian yahay oo noqday wasiirka soo galootiga

0
132
Mattias Tesfaye: Wasiirka soo galootiga Denmark.

Reysulwasaaraha cusub dalka Denmark, Mette Frederiksen ayaa soo bandhigtay liiska xubnaha golaha wasiiradeeda cusub, kuwaas oo ka kooban 19 wasiir.

Wasiirka cusub ee soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalka Denmark, ayaa loo magacaabay Mattias Tesfaye oo ah siyaasi ajnabi ah, asal ahaana kasoo jeedoEthiopia.

Riix sawirka si Aad u hesho maclvuumaad dheeri ah, ama wac telefoonka kor ku qoran.

Tesfaye ayaa xukunka kala wareegi doono Inger Støjberg oo kamid aheyd wasiirada ugu xagjirsanaa, uguna hadalka qalafsanaa xukuumadii hore ee ka talin jirtay Denmark. Inger oo siyaasad ahaan raacsaneyn garabka midig ee xagjirka ah,ayaa intii ay wasiirka aheyd meelmarisay tobanaan go´aan oo lagu adkeynayo siyaasada qoxootiga dalkaas.

Waxaana kamid ahaa go´aan lagu sheegay in baahidooda magangalyo lagu qiimeynayo kumanaan qof oo soomaali ah, kuwaas oo qaarkood laga celiyay Denmark mudooyinkii lasoo dhaafay.

Wasiirka cusub ee arrimaha soo galootiga Denmark, ayaa marar badan eedeyn u jeediyay wasiirada uu hada xukunka kala wareegi doono. Isaga oo ku dhaleeceyn jiray siyaasad arxan daro iyo bini-aadantinimo la´aan ay ku dheehantahay.

Xigasho/kilde: Tesfaye bliver minister for udlændinge og integration

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments