Denmark oo xukuumad iyo reysulwasaare cusub yeelatay.

0
78
Mette Frederiksen : Reysulwasaaraha cusub ee Denmark

Xisbiyada garabka bidix ee dalka Denmark ee ku guuleystay doorashadii baarlamaanka, ayaa xaley ku heshiiyay xukuumad wadaag ah oo dalkaas taladiisa kala wareegto xisbiyada garabka midig.

Sidii la wada saadaalinyay, Mette Frederiksen oo ah hogaamiyaha xisbiga Socialdemokrat-ka ayaa noqon doonto reysulwasaaraha dalka Denmark, afarta sano ee soo scoort.

Xukuumada Mette ayaa taageero ka heysato xisbiyada Radikale Venstre, Socialistisk Folkeparti og Enhedslisten oo ay heshiis wadaag ah la saxiixatay.

Reysulwasaaraha cusub ayaa balanqaaday inay sii wadi doonto siyaasada adage ee ku wajahan qoxootiga, balse waxey sheegtay in Denmark ay dib usoo celin doonto dib u dajinta qoxootiga oo xukuumadii ka horeysay ay joojisay.

Xigasho/kilde: Enighet om ny rød regjering i Danmark

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments