Deigo Maradona: Booska macalin SOLSKJÆR, anaa ku fiicnaa.

0
110

Halyeeygii hore ee xulka qaranka Argentine, Diego Maradona ayaa wareysi uu siiyay wargeyska FourFourTwo ku sheegay inuu yahay qofkii saxdaa ahaa ee ku haboonaa qabashada macalinimada kooxda Manchester United.

Maradona ayaa muujiyay sida uu u jeclaan lahaa in booskaas looga qaado macalinka reer Norway ee hada tababaraha u ah Manchester, Ola G. Solskjær.

Hadii Manchester, ay u baahantahay macalin cusub, waa aniga qofkii qaban lahaa shaqadaas, ayuu Maradona ku sheegay wareysiga uu siiyay jariirada. Wuxuuna kasii faalooday qaabka uu usoo xulan lahaa laacibiinta uu ka dhigan lahaa kooxda joogtada ah.

Ole Gunnar Solskjær ayaa hada heshiis sadex sano ah kula jooga Manchester, wuxuuna booskaas ka badalay macalin Jose Mourinho oo dhamaadka sanadkii hore laga ceyriyay shaqada Manchester.

Solskjær ayaan sameyn isbadalkii laga filayay, wuxuuna ku guuldareystay inuu kooxda sanadkan keeno koobka Championka, waxaana dad badan su´aal iska weydiinayaan inuu yahay qofkii saxda ahaa ee Manchester kusoo celin lahaa booskii ay joogtay 6 sano kahor.

Xigasho/kilde: Fourfourtwo: Diego Maradona says he should be next Manchester United manager –

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments