Foto: Abdisalam Ibrahim/Facebook

Xiddiga soomaali Norwiijiga ah ee Cabdisalaam Ibraahim cadaay, ayaa heshiis u saxiisay kooxda Riga FC, oo ah koox ka dhisan caasimada dalka Latvia. Ahna kooxda heysata horyaalka dalkaas.

Cadaay oo horey ugu soo ciyaaray kooxda Manchester City, ayaa sanadkii ugu danbeeyay ka ciyaariyay kooxda PAFOS FC, ee horyaalka dalka Qubrus. Wuxuuna sidoo kale labadii sano ee 2017, 2018 ka ciyaarayay kooxda Vålerenga ee ka dhisan magaalada Oslo.

Cabdisalaan ayaa kamid ah xiddigaha soomaalida ah ee kasoo baxay dalkan Norway. Kuwaas oo ku guuleystay inay ka ciyaaraan horyaalada waaweyn ee kubadda cagta qaarada Yurub.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of