Askøy: 47 qof oo isbitaal la dhigay, kadib markii ay ku xanuunsadeen biyaha tuubada.

0
125

Isbuucii ugu danbeeyay, ilaa 47 qof ayaa isbitaal la dhigay, kadib markii ay ku xanuunsadeen biyaha tuubada deegaanka Askøy ee gobolka Hordoland. Dadkan ayaa isugu jiro 13 caruur ah iyo 34 qof oo waaweyn.

Isku dar tirada dadka ku xanuunsaday biyaha tuubada deegaanka Askøy, ayaa sida ay qortay NTB, waxey gaarayaa ilaa 2000 qof.

Baaritaan la sameeyay karib, waxaa haanta biyaha deegaanka askøy laga helay bakteeriyada loo yaqaan «Escherichia coli», oo ah nooca bakteriyo oo ku dhaca xiidmaha.

Sida uu qirtay ku xigeenka duqa Askøy, maamulka deegaankas ayaan sanado dhowr ah baaritaan ku sameynin haanta biyaha, si loo hubiyo caafimaadka biyaha. Halka caadi ahaan ay aheyd in labadii biloodba, halmar baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa maanta la filayaa inay soo banaan natiijada baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyay biyaha deegaanka Askøy.

Xigasho:Aftenposten: Mandag er det ventet svar på nye vannprøver som er tatt fra h Askøy kommune, hvor det tidligere har blitt funnet tarmbakterier

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments