Wasiirka cadaalada Norway oo loogu baaqay inuu is casilo.

0
88
Foto: Nrk/skjermdump

Waxaa maalin kahor soo baxday in haweenay u dhalatay dalka Filipiin, ay in mudo ka shaqeynaysay guriga wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr, iyada oo aan heysan sharci dal kujoog.

Akhri: Haweenay sharci la´aan ah ayaa ka shaqeyneysay guriga wasiirka cadaalada Norway

Haweeneydaas oo Norway kusoo gashay AU-pair, ayaa marti ku aheyd guriga wasiirka, isla markaana wax ka qabeneysay shaqada guriga. Waxeyna guriga wasiirka uga soo wareegtay, guri kale oo ay horey marti ugu aheyd, markii uu ka dhacay heshiiskii ay gurigaas ku joogtay.

UDI-da oo ah hey´adda Norway u qaabilsan ajaaniibta iyo socdaalka, ayaa sheegtay in haweeneydaas aysan booliska ka codsan cusbooneysiinta sharciga dal ku jooga.

Wasiirka ayaa sheegay iney aheyd inuu ka fiirsado arintaas, uuna hubiyo sharciga haweeneydaas, kahor inta uusan ogolaan inay gurigiisa marti kua ahaato, kana shaqeyso.

Wasiir is casil:

Kadib marka ay soo baxday fadeexadan la xiriirta wasiirka cusub ee cadaalada Norway, waxaa soo baxayo baaqyo loo jeedinayo wasiirka cadaalada, kuna saabsan inuu xilka iska casilo. Maadaama uu jabiyay sharciga Norway, uuna baalmaray xeerka hey´adda wasaaradiisa hoos tagta ee UDI-da.

Wasiirka oo wasaaradiisu ay madax ka tahay shaqooyinka la xiriira ilaalinta iyo fulinta sharciyada, ayaa loogu baaqay inuu baneeyo booskaas loo dhiibay labo bil kahor, maadaama uu jabiyay sharciga.

Erna Solberg ayaa horey u sheegtay inay ku kalsoontahay wasiirkeeda cadaalada.

Waxaa xusid mudan in 6 wasiir oo Frp katirsan ay shaqada wasaarada cadaalada isaga danbeeyeen, tan iyo markii Solberg loo doortay reysulwasaare. Kuwaas oo dhamaantood is casilay ama shaqada qasab uga tagay.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments