Waddamada xilliyada ugu dheer iyo xilliyada ugu gaaban laga soomo.

0
271

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Waxaa maanta inta badan laga soomay dalalka caalamka, iyadoona ay kow tahay bisha barakeysan ee Ramadaan. Muslimiinta ku kala nool guud ahaan caalamka ayaa ku kala gedisan saacadaha la soomo, oo waxaa dalalka qaar laga soomaa waqti ku dhaw 24 saac.

Wargeyska The Gulf News oo wax ka qoray saacadaha laga soomo dalalka caalamka ayaa daabacay liiska waddamada saacadaha ugu badan laga Soomo iyo kuwa laga soomo saacadaha ugu yar.

Wuxuu Wargeyska liiska ku xusay farqiga u dhaxeeya Salaadaha Subaxa ilaa iyo Maqhribka oo ah xilliga soonka uu billaawdo iyo xilliga la afuro.

Haddaba wali ma isweydiisay waddamada saacadaha ugu badan laga soomo iyo waddamada saacadaha laga soomo ay kooban yihiin?

Haddaba bogga wargeyska The Gelf News oo aan warbixintan ka soo xigannay ayaa wuxuu soo saaray shax dheer uu ku muujinayo magaalooyinka caalamka ugu waaweyn iyo saaadaha laga soomo.

Wuxuu boggu farqiga saacadaha u dhaxeeya ka tixraacayaa salaadda Subax (Qorrax soo baxa) iyo Salaadda Maqrib (Qorrax dhaca) xilliyada la tukado iyada oo maanta oo Isniin ah oo ku beegan 6-da Bisha May ay bisha Ramadhaan ee sanadki Hijriyada 1440 ay bilaatay.

Tusaale ahaan Murmansk iyo Ruushka 3 saacadood oo keliya ah ayaa mugdi ah cadceedduna waxay soo baxdaa 1:41 subaxnimo oo geeska Afrika ay u tahay saq-dhexe

Halka magaalada Ushuaia ee dalka Argentina ay tahay magaalada caalamka wakhtiga ugu yar laga soomo waxaana laga soomaa 11 saacadood, Cadceedduna waxay usoo baxdaa 06:57 subaxnimo waxyna dhacdaa 05:57galabnimo.

Dubai waxaa laga soomayaa 14 saacadood iyo 39 daqiiqo, maanta oo Isniin oo 1-da bisha Ramadhaan lagu jiro.

Dadka qaar ee ku sugan waqooyiga dalkan Norway ayaa sanandkii la soo dhaafay waxay soomeen inkabadan 20 saacadood, taasi oo ak dhigan in saacado yar gudahood ay ku afuraan, kuna suxuurtaan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments