UDI: Haweenay sharci la´aan ah ayaa ka shaqeyneysay guriga wasiirka cadaalada Norway.

0
94
Foto: Twitter-Jøran Kallmyr Wasiirka cadaalada Norway.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, waxaa mudo sanad ku dhow guriga wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr, ka shaqeynaysay haween u dhalatay dalka Filipiin, taas oo aan sharci ama ogolaansho dal ku joog ka heysan hey´adda socdaalka Norway.

Ogolaanshaha «AU PAIR»

Haweeneydan ayaa Norway kusoo gashay ogolaanshaha loo yaqaan «au pair«, oo ah in qoys Norwiiji ah ay martigalin u fidiyaan qof raba inuu Norway ku noolaado mudo, si uu u barto dhaqanka iyo afka wadanka. Iyada oo qoyska qofka martigalinayo ay qofka ay martigalinayaan la galaan heshiis, ayna la socodsiiyaan laamaha socdaalka Norway. Wuxuuna badalka martigalinta qofkaas qoyska ka caawiyaa howlaha guriga, sida caruur heynta, dhaqmaha guriga iyo howl maalmeedka kale ee qoyska.

Haweeneyda ka shaqeyneysay guriga wasiirka cadaalada Norway, ayaa marti ku aheyd guriga qoys kale, kahor inta aysan sanadkii hore kusoo wareegin, martina ku noqon guriga wasiirka cadaalada Norway.

Hey´adda socdaalka Norway ee UDI-da, ayaa sheegtay in haweeneyda martida ku aheyd guriga wasiirka cadaalada Norway, aysan heysan ogolaanshaha dal ku joogo Norway, mudada ay Norway joogtay. Taas oo qasabtay in bilowga bishii Mai ee sanadkan laga tarxiilo Norway.

Wasiirka: Waxey aheyd inaan ka fiirsado

Wasiirka cadaalada Norway, ayaa wargeyska Aftenposten u sheegay inay aheyd inuu arintan si fiican u hubiyo, kahor inta aysan qoyskiisu ogolaanshaha martigalinta siin haweeneyda. Isaga oo raaciyay inay dhici karto inuu si qaldan u fasirtay sharciga.

Arintan ayaa noqoneyso fadeexad iyo dhaawac cusub oo soo gaaray wasiirka cadaalada Norway, oo shaqada wasiirnimo la wareegay labo bilood kahor. Waxaana culeyska dheeriga ah keenayo inuu yahay wasiirkii cadaalada Norway, oo aheyd inuu ilaaliyo sharciga, laakiin markan isaga ayaaba sharciga hareer maray.

Horey lix wasiir oo uga horeeyay shaqada wasiirka cadaalada, oo dhamaantood ka wada tirsan xisbiga Frp, ayaa shaqada isaga tagay sababo la xiriira fadeexooyin soo wajahay, iyaga ama qoysaskooda.

Reysulwasaaraha Norway oo khaatir ka taagan badalka wasiiradeeda cadaalada ayaa sheegtay inay kalsooni ku qabto wasiirkeeda cadaalada.

Xigasho/kilde: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments