torsdag, april 25, 2024

UDI-da oo qiratay inay ku adagtahay go´aan ka gaarista kiisaska dib u qiimeynta magangalyada soomaalida.

Hey´adda socdaalka Norway ayaa isbuucii hore kulan warbixneed la qaadatay soomaalida Norway, kulankaas oo ay dadka jaanis u siiyeen in la weydiin karo su´aalo la xiriira qaabka ay uga shaqeynayaan kiisaska saameynta ku leh soomaalida.

Hey´adda socdaalka Norway ayaa mar wax laga weydiiyay qaabka ay go´aan uga gaarayaan kiisaska soomaalida ay sheegeen inay dib u qiimeyn ku sameynayaan baahidooda magangalyo, ayaa sida muuqatay waxaa ku adkaatay inay jawaab waafi ah ka bixiyaan, marka laga reebo ku celinta waxyaabihii ay horey u sheegi jireen.

Shaqaale katirsan dadka kiisaskan gacanta ku hayo ayaa qiratay inay adagtahay in xiligan go´aan laga gaaro baahida magangalyo ee qofka soomaliga ah ee ka yimid koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sadex sano: 40 qof oo kali ah ayaa go´aan ka gaarnay.

April sanadkii 2016, ayay sheegeen inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan magangalyadooda 1600 oo soomaali ah. Sadex sano oo kiisaskan ay gacanta ku hayeen ayay sheegeen in ilaa hada ay go´aan ka gaareen ilaa 40 qof oo kali ah, kuwaas oo lagu wargaliyay inaysan u baahneyn magangalyo, ayna ku noqdaan wadankoodii.

Laakiin inta badan 40-kaas qof ayaa cabasho ka gudbiyay go´aanka UDI-da, waxeyna cabashadooda u direen hey´adda kale ee UNE. Halka qaarna ay kiis gal dacwadeed ay u direen maxkamadaha Norway.

UNE ayaa dhankeeda sheegtay in qaar kamid ah dadkaas ay buuxiyeen shuruudaha sharciga degenaanshaha rasmiga ah kahor inta uusan soo bixin go´aanka wasaarada cadaalada. Sidaas darteed ay xaq u leeyihiin degenaansho, aana lagala noqon karin sharciga magangalyada. Sidaasna ay qaar badan oo 40-kaas kamid ah ay dib u heleen sharciga degenaanshaha.

Arintan ayaa sida ay sheegeen mar kale UDI-da ku adkesay qaabka go´aan looga gaari karo kiiska 1600-da ee qof. Maadaama sida ay sheegeen qaar badan oo dadkaas kamid ah ay wadanka joogeen wax badan sadex sano, kahor inta uusan soo bixin go´aanka wasaarada cadaalada.

Dhanka kale waxey sheegeen in tiradu ay hada waxbadan ka yartahay 1600, maadaama mudadii ugu danbeysay ay jawaabta degenaanshaha ay siiyeen dad aad u badan oo ay mudo jawaabta kala aamusnaayeen.

Mar su´aal laga weydiiyay inay la socdeen in amaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaaday sanadkii ugu danbeeyay, ayay sheegeen inay si joogto ah u helaan xogta amaan ee magaalada Muqdisho. Ayna kamid tahay waxyaabaha ay qiimeynta ku darsadeen.

Isku soo wada duub, waxaa jawaabta shaqaalaha ay UDI-du bixiyeen laga dheehanyahay sida ay iyagu laftirkooda u qirsanyihiin in arintan aysan suurtogal aheyn xiligan, balse waxaa muuqdo inuu heysto cadaadis ka sareeyo iyaga. Mar kasta oo la weydiiyo su´aal adag, waxey ku jawaabayaan in jawaabta su´aashaas aysan iyagu bixin karin, balse ay tahay mid u taalo wasaarada cadaalada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x