(Tirokoob): Inta badan Dumarka soomaalida ah ma tagaan baaritaanka «kansarka Naasaha» ee loogu yeero.

0
179
FotoCre: Damian Dovarganes/Associated Press

Tirokoob ay sameysay xarunta tirokoobka cudurka kansarka, ayaa lagu sheegay in kansarku uu cudur ahaan ku badanyahay Norway, marka lala barbardhigo wadamada kale.

Tirokoobkan waxaa lagu sheegay in kansarka ku dhaca naasaha(brystkreft) iyo kan ku dhaca xubinta taranka raga(Prostatakreft) ayaa ah labada nooc ee kansarka ah ee ugu badan Norway.

Isla tirokoobkan ayaa lagu sheegay in dadka soo galootiga ah ee kasoo jeedo wadamada ka baxsan Yurub, uu aad ugu yaryahay cudurka kansarka, marka lala barbardhigo dadka Norwiijiga dhaladka ah.

Labaatankii sano ee u dhaxeysay 1995 ilaa 2015, dad norwiiji ah oo gaaraya 480.000 qof ayaa laga helay nooc kamid ah cudurka kansarka, halka isku dar 20.000 qof oo ajnabi ah laga helay cudurkaas.

Dumarka soomaalida:

Guud ahaan dumarka kunool Norway, waxaa marka ay gaaraan da´da 50-ka loogu yeeraa baaritaanka kansarka naasaha ee loo yaqaan mammografi. Balse dumarka ajnabiga ah ee taga baaritaankaas ayaa aad u yar, marka loo fiiriyo dumarka kale.

17 % Dumarka soomaalida ah ee baaritaankaas loogu yeero ayaa taga. Taas oo soomaalida ka dhigeyso dumarka ugu yar ee taga baaritaankaas, marka loo diro warqada yeeritaanka kadib.

Xigasho/kilde: Utrop.no


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments