Sweden:Cabsi ka dhalatay nin «cunsuri» Swedish ah oo u sahan tagay masaajid ay Soomaali maamusho.

0
83
Masaajid Sweden Foto: Leo Sellén

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Waxaa ku sii xoogysanaya wadamada Galbeedka kooxaha Islaam nacaybka ah,halka ay hore u dhaceen weeraro gudaha loogu galay dad ku cibaadaysnaya Masaajiddo,halka Masaajiddo badan la qabadsiiyay dab.

Nin looga shakiyay in uu yahay cunsuri ayaa dhowrjeer lagu arkay Masaajidka Suni Center ee ku yaala xaafadda believe ee magaalada Gothenburg, Sweden.

»Ninkan masjidka gudihiisa ayuu soo galay,maadaama ay masaajiddu iska furan yihiin qofkasta ayaa iman kara, dadkii ayuu waydiiyay Imaamku xagee istaagaa,dadku goorma ayay u badan yihiin,meeqa albaab ayuu leeyahay sidaas ayuu waydiiyay dadka qarkood» sidaas waxa warbaahinta u sheegay Cabdixakiin Maxamed Aadan oo ka tirsan gudiga dhanka amaanka masajidka Suni Center.

Ninkan intii uu ku jiray sahanka gudaha masaajidka wuxuu ku dhaliyay dadkii ku jiray Masaajidka dareen xooggan oo cabsi ah.

Cabdixakiin ayaa ka hadlay sida lagu ogaday ninkan » Waxaa lagu ogaaday, waxa jira nidaam Amni ah oo Masaajidku leeyahay dad tababaran,markii laga shakiyay su’aalo ayaa isaga la sii waydiiyay,waxa la gartay magaciisa,meesha uu dagan yahay,sababta uu meesha u yimid,macluumaadkaas markii aan helnay ayaan sii baarnay,markaas ayaan soo helnay in ninkan uu ahaan jiray Milatari,Islaamka qoraalo ka qoray kadibna Booliska ayaan u gudbinay oo gurigiisa ugu tagay».

Gudiyada Masaajida wadamada Galbeedka ayaa sameeyay kulamo ay kor ugu qaadayaan wada shaqeynta ay la sameeyaan laamaha amaanka wadama ay joogaan sida Booliska,waxayna la wadaagan khataraha lasoo darsa.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments