Sweden: Waxaa sanadkii «Stress» dartii u dhinta, dad ka badan kuwa shilalka ku dhinta.

0
112

Sida laga sheegay warbixin cusub oo dhawaan laga soo saaray daraasad laga sameeyay dalka Sweden, waxaa sanadkii cel-celis ahaan cudurada cadaadiska maskaxda(stress) u dhinta dad ka badan kuwa u dhinta shilalka ka dhaca goobaha shaqada.

Sanadkii waxaa cel-celis ahaan Sweden stress dartii u dhinta dad gaaraya 770 qof, halka shilalka ka dhaca goobaha shaqada ay u dhintaan dad gaaraya 40 qof oo kali ah qiyaastii.

professor Bengt Järvholm oo katirsan jaamacadda Umeå, ahna madaxa kooxda cilmibaarista sameysay, ayaa sheegay in shilalka ka dhaca goobaha shaqada ay leeyihiin siyaabo muuqdo oo looga hortago, sida inuu qofku xirto dharkii shaqada ee saxda ahaa iyo in la sameeyo hanaanka ka hortaga shilalka.

Laakiin ay adagtahay in laga hortago cudurada cadaadiska maskaxda ee qabsada dadka shaqaalaha ah, isaga oo ku tilmaamay musiibo dadweyne oo u baahan in la iftiimiyo, caafimaad ahaana dadka looga wacyigaliyo.

Cilmibaaristan ayaa muujisay in cudurada caadiska maskaxdu ay kordheen wixii ka danbeeyay 1970-kii, ayna aad ugu badanyihiin dadka ka shaqeeya shaqooyinka daryeelka bulshada. Sida macalimiinta, shaqaalaha dukaamada iyo kuwa hoteelada.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments