Sweden oo dhex-dhexaadiye ka noqon karto wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

0
180
Wasiirka maalgashiga Somaliland

Sida ay tabisay idaacada Sveriges Radio, dowlada Sweden ayaa u furan inay dhex-dhexaadiye ka noqoto wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka maalgashiga Somaliland Maxamed Cawad oo maalmahan Sweden ku sugnaa ayaa wareysi uu siiyay idaacada ku sheegay in Somaliland ay dalbaneyso in Sweden ay dhex-dhexaadiye ka noqoto wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Ama ay ugu yaraan xubin ka noqoto dowladaha dhex-dhexaadiyaasha noqon doono. Si lamid ah sida ay Sweden dhex-dhexaadiye uga aheyd khilaafka Falaagada Huutiyiinta Yemen iyo dowlada dalkaas.

Anders Österberg oo ah xubin katirsan baarlamaanka dalkaas, kana mid ah gudiga arimaha dibada ayaa sheegay in dalkiisu uu u ufuranyahay inuu door dhex-dhexaadiye ka qaato khilaafka Somaliland iyo Somaliya. Laakiin waxa uu raaciyay in inta aan taas la gaarin ay tahay, inuu dalab rasmi ah ah ka yimaado labada dhinac ee khilaafkan isku haya.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments