Sacuudiga oo iska fogeysay hanjabaad ka dhan ah nin Norway magangalyo ugu nool

0
105

Dhamaadka bishii April, hey´adda CIA-da Mareykanka ayaa digniin la xiriirta amaanka  Iyad Al Baqdaadi usoo dirtay laamaha sirdoonka Norway. Waxaana Norway lagu wargaliyay inay jiraan tuhumo ah in sirdoonka dalka Sucuudiga ay ku daba jiraan ninkan, ayna qorsheyn karaan inay dilaan.

Iyad Baqdaadi

Iyad Al Baqdaadi oo u dhashay dalka Falastiin, ayaa saaxiib dhow la ahaa wariye Jamaal Al Kaashooqi oo horey loogu dilay Qunsuliyada Sucuudiga ee Turkiga. Waxaana Iyad uu caan ku yahay dhaleeceynta xukunka qoyska Boqortooyada Sucuudiga, isaga oo sanadkii 2015 magangalyo siyaasadeed ka helay dalkan Norway.

Sucuudiga: Mana naqaan ninkaas magaciisa.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Adel Al jubeyr ayaa sida ay qortay wakaalada wararka Rueters iska fogeeyay in dowladiisa ay ka danbeyso hanjabaada ku saabsan halis galinta amaanka Iyad Al Baqdadadi.

Wasiirka Arimaha Dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in eedeymahaas ay noqon karaan kuwo dowlada uu la joogo uu ninkan kaga raadsanayo sharci, laakiin iyaga dhankooda aysan xitaa aqoonin magaciisa.

CIA-da ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in sadex nin uu Al Baqdaadii uu kamid yahay ay ku jiri karaan halis xaga amaankooda, maadaama ay heleen warar sheegaya in Sirdoonka Sucuudiga ay ragaas si gaar ah u ugaarsanayaan.

Xigasho/kilkde: Aftenposten/Reutures

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments