Qoxootinimo ayuu Norway kusoo galay, xabsi 11 sano ayaa argagaxisnimo loogu xukumay.

0
176
Foto: Skjermdump/TV2.NO

Maxkamada magaalada Oslo ayaa maanta oo isniin ah nin u dhashay dalka Lubnaan ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira argagaxisnimo.

Ninkan ayaa sanadkii 2017 magangalyo soo weydiistay Norway, isaga oo xiligaas sheegtay inuu yahay qof «dowlad laawe ah» oo kasoo jeedo dalka Falastiin. Sanadkii hore ayaa waxaa soo qabtay hey´adda sirdoonka Norway, isaga oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa ururka Jabhatul-Nusra oo kamid ah ururada hubeysan ee ka dagaalamada Siiiriya.

Ninkan oo markii danbe la ogaaday inuu kasoo jeedo dalka Lubnaan ayaa kasoo dhexmuuqday, muuqaalo dhowr ah oo ay sameysay jabhatul-Nusr. Isaga oo muuqaalada qaarkoodna gacanta ku wata hub.

Ninkan oo lagu eedeeyay falal argagaxisnimo ayaa dhankiisa qirtay inuu kasoo muuqday muuqaladaas, balse ay ahaayeen kuwo lagu qasbay isaga oo uusan si iskiis ah uga qeybqaadan.

Qareenka ninkan ayaa sheegay in xukunka maanta ay maxkamadu go´aamisay uu yahay mid adag, isaga oo warbaahinta ku wargaliyay inay qaadan doonaan racfaan ka dhan xukunka maxkamada Oslo.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments