Qareen Petter Clemetsen: Qaabkan ayaad uga dacwoon kartaa diidmada codsiyada NAV

0
131
Qoraha maqaalkan: Petter Clemetsen, Qareenka katirsan shirkada qareemada Clemetsen & Mohammad AS

Hadii aad hey´adda NAV ka hesho go´aan diidmo ah, waxaa jirto siyaabo badan oo aad uga dacwoon karto go´aankaas, hadii uu yahay mid aadan ku qanacsaneyn, ama aad aaminsantahay inuusan aheyn kii saxda ahaa.

  • Si fiican u akhri: Marka koowaad si fiican oo degan u akhri qoraalka go´aanka ee warqada lagu soo diray ku qoran. Isku day inaad fahanto sababta keentay diidmada iyo waxa loo cuskunayo. Hadii aadan adigu fahmi karin, ka codso inay kuu akhriso cidii kale ee luuqad ahaan kugu dhaanta, ama wac qareenkaada.
  • Xusuuso fristiga: Hadii aadan ku qancin go´aanka, ama aadan ku raacsaneyn sababta go´aanka diidmada ah keentay., si fiican u fiiri taariikhda kama dambeysta ah(Fristen) ee aad go´aanka ka dacwoon karto. Waxaad heysataa isbuuc, labo ama sadex oo aad go´aankaas dacwo ka celin kartid, waana muhiim inaad dacwada qorto xili fiican kahor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah.
  • Fursada labaad: Marka aad dacwada u dirto NAV, waxey ku qasbanyihiin inay akhriyaan dacwadaada iyo waxa aad u cuskuneyso. Waxeyna mar kale dib ugu noqonayaan go´aankii ay gaareen markii hore, kahor inta aysan warqada dacwada u gudbin gudiga qaabilsan dacwooyinka laga diro go´aamada xafiiska NAV.
  • Diidmo labaad: Hadii aad hesho go´aan labaad oo diidmo ah oo la xiriira codsigaaga, mark aad dacwada dirtay kadib, waxaad kiiskaaga u gudbin kartaa Trygderetten oo ah hey´add looga dacwoodo kiisaska diidmada ah ee NAV.
  • Hadii Trygderetten aysan kugu taageerin dacwadaada, u gudbin kartaa maxkamada Racfaanka(Lagsmannretten) ee gobolka ama degmada aad degantahay.

Muhiimadu waa inaadan horay uga qancin go´aanka, aadna lumin wax aad xaq u leedahay, ama xaq adigu lagu leeyahay aadan ka ilduufin.

Waxaad xaq u yeelan kartaa inaad hesho qareen bilaash ah, si aad uga dacwooto kiisaska diidmada ah ee NAV.

Waxaa qoray Qareen Petter Clemetsen.

Shirkada Qareenada: Advokatene Clemetsen & Mohammad as

WWW.CLEMO.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments