Norway: Waa walaalo mataano ah, hadana labo xisbi oo kala duwan hal degmo uga wada sharaxan.

0
187
Foto: Skjermdump/NRK

Bisha sagaalaad ee sanadkan, waxaa Norway ka dhici doono doorashada golahayaasha deegaanka, waxaana kuraasta dowladaha hoose tartan ugu jiro kumanaan musharax oo u kala taagan xisbiyada siyaasada Norway.

Frode Hagerup iyo Bjørn Hagerup Røken waa labo siyaasi oo walaalo mataano ah. Waxey sanadkan labaduba rabaan inay kamid noqdaan golaha deegaanka ay deganyihiin, iyaga oo kala matalaya labo xisbi oo siyaasad ahaan aad u kala fog, waa SV iyo Høyre.

Kala duwanaanta doorashada xisbiyada ay matalayaan, wuxuu mid walbe ku micneeyay qiimeyntiisa shaqsiyeed iyo aragtidiisa siyaasadeed ee gaarka ah.

Sida ka muuqato warbixin uu labadan nin ka diyaariyay TV-ga NRK(hoose ka fiiri), abadan nin ayaa kasoo jeedo qoys siyaasad ahaan aad aktiv u ah.

Hooyadood waxa ay xubin dhexe ka tahay xisbiga Frp, qeybtiisa Lokalka. Aabihood wuxuu ka tirsanaa xisbiga Ap, halka walaashood ka weyn ay tahay xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, iyada oo matasha xisbiga Høyre.

Waa hal qoys oo sadex xisbi guriga ku kulmiya.

Dhibta ugu weyn ee labadan nin ay sheegeen inay ka cabsi qabaan, ahaa ah inay dadku isku qaldaan xiliga doorashada, maadaama ay muuqaal ahaan isku egyihiin.

Xigasho/kilde: NRK(halkan ka daawo)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments