Norway: Waa imisa tirada soo galootiga sanadkan ka codeyn kara doorashada.

0
98

Dadkii ugu badnaa ee yeesha xaquuqda codaynta ee dalkan Norway ayaa lagu wadaa inay codeeyaan doorashada gobolada ee dalkan ka dhacaysa dayrta nagu soo aadan ee sannadkan.

Tirakoobid ay samaysay SSB ayaa lagu sheegay in dad kor u dhaafaya 4.197.000 qof ay ka codayn doonaan doorashada waqtiga dayrta. Waxaa la sheegay in tirada ku korortay codeeyayaasha tan iyo doorashadii ugu dambaysay ay gaarayso qiyaastii 180.000 qof.

Maadaama sida doorashada baarlamaanka aysan ku xirnayn qofku inuu codeeyo haysashada dhalashada dalkan, waxay dad badan oo haysta dhalashada dalal kale laakiin wadankan ka haysta degannaansho muddo saddex sano ah soo jiray xaq u leeyihiin inay codeeyaan marka la qabanayo doorashada degmooyinka iyo gobolada. Dadka kasoo jeeda dalalka nordanka la yiraahdo waxaa shuruud ku ah inay Norway u soo gureen ugu dambayn 30 juun.

Soo galootiga sannadkan loo dirayo fariimo ku aadan inay ka codayn karaan deegaankooda ayaa la sheegay inay gaarayaan 383.400 qofood.

Xigasho/kilde: Nettavisen-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments