Norway: Nibiri jaajuusnimo looga shakiyay oo la qabtay!.

0
217
Xigasho/kilde: BBC, Laanteeda afka soomaaliga. 

Nibiri looga shakiyey jaajuusnimo oo ay tobabareen ciidamada badda ee Ruushka ayaa lagu qabtay xeebta Woqooyi ku taalla dalkan Norway, sida ay sheegeen khubaro ka soo jeeda Norway.

Khabiir lagu magacaabo Audun Rikardsen oo ku takhasusay arrimaha badaha ayaa sheegay in Nibiriga lagu xiray qalab casri ah, kaas oo kaluumaysade u dhashay Norway oo ku guulaystay inuu ka soo saaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in saynisyahan u dhashay Ruushka uu u sheegay inaysan ahayn kuwa ay isticmaali lahaayeen saynisyahannada Ruushka.

Ruushka ayaa xarun ciidan ku leh deegaankaas.

Prof Rikardsen ayaa BBC u sheegay «madaxa ayaa loogu duubay qalab casri ah oo duuba muuqaalada iyo codadkaba», waxa uu sidoo kale sheegay in qalabka lagu xiray uusan ahayn kaamirada caadiga ah.

Jeneraal u dhashay Ruushka oo horay buug uga qoray xayawaanaadka sida militariga loo isticmaalo ayaa eedeynta Norway ku tilmaamay waxba kama jiraan. Balse ma uusan dafirin inay dhici karto inuu ka soo baxsaday ciidamada badda ee Ruushka.

Rikardsen, oo bare jaamacadeed ayaa sheegay in xayawaanada badda sida Nibiriga ay yihiin kuwa aad u aqli badan, aadna u furfuran lana tababari karo sida eyga oo kale.

Waxa uu sheegay inay adagtahay in laga saaro qalabka balse ay u suura gashay kallumayste ka soo jeeda Norway.

«Saddex maalmood ayaan aragnay nibiriga , cuno ayuu raadsaysay,» ayuu BBC-da ku yiri.

«Hadda waa mid adag haddii uu Nibiriga isku dayo inuu cuno cuntooyinka dabiiciga ah, haddii kale doonta ayuu ka soo bixi oo badda ayuu dhex geli.»

Xigasho/kilde: BBC-SOOMAALI.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments