NAV: 7,2 bilyan ayaan sanadkii hore wadanka u dirnay dad joogo wadanka dibadiisa.

0
99

Hey´adda xafiiska shaqada Norway ee NAV ayaa sheegtay in sanadkii hore ay dad joogo wadanka dibadiisa u direen isku dar lacag gaareyso 7,2 bilyan oo lacagta Norway ah.

Dad gaaraya 75.000 qof ayaa sanadkii hore NAV lacag ka helay, iyaga oo ku sugan wadanka dibadiisa.

Dadka howlgabka noqday ee kunool wadanka dibadiisa ayaa sanadkii hore NAV ka qaatay 4,4 bilyan. Taas oo ah ku dhawaad kala bar lacagta sanadkii wadanka dibadiisa NAV ay u dirtay.

Dadka aan shaqeyn karin ayaa iyagana iyaga oo ku sugan wadanka dibadiisa sanadkii hore NAV ka helay lacag 1,6 bilyan.

80% lacag ay NAV u dirtay wadanka dibadiisa, ayaa waxaa lagu diray wadan Yurubiyaan ah. Wadamada Sweden, Spain iyo Denmark ayay kunoolyihiin dadka ugu badan ee sanadkii hore lacag ka helay NAV.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments