Mareykanka: Maxkamad xukun ku riday Korneyl katirsan ciidankii M. Siyaad Bare.

0
131
Korneyl Tuke

Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taala magaaladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Mareykanka, ayaa xukun ku riday Col. Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, oo lagu soo oogay danbi la xiriira inuu jir-dilay Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa. Falka jirdilka ah ayaa dhacay sanadkii sannadkii 1987-dii.

Korneyl Tuke oo tobaneeyo sanno ku noolaa Waqooyiga Virginia, ayaa lagu xukumay inuu Dhibanaha siiyo lacag magdhow ah oo dhan 400,000 oo Dollar iyo Ganaax Ciqaabeed dhan 100,000 oo Dollar.

Tuke ayaa katirsanaa saraakiishii soomaalida aheyd ee Mareykanka lagu tababaray, wuxuuna kasoo baxay mid kamid ah iskuulada dagaalka ee ugu sareeyo dalkaas.

Dhibane Farxaan Mxaamuud Taani Warfaa waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in ciidan uu watay Kolonel Yuusuf Tuke ay jir-dileen isagoo 17-jir ah, kadib markii isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo eedeeyey inay dhaceen Booyadda Biyaha oo ay Ciiddanku lahaayeen.

Dhegeysiga Dacwadaasi oo socotay dhowr maalmood, waxaa Kolonel Yuusuf Tuke lagu waayey eedeyn lagu sheegay inuu shaqsi ahaan jir-dilay Dhibanaha soo dacweeyey.

Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” waxa uu beeniyey Eedeymaha Farxaan Warfaa, isagoo sheegay inuusan haba yaraatee geysanin wax tacadiyo ah muddadii uu Ciiddanka ahaa.

Dhinaca kale, Qareenka difaacayey Kolonel Tuke oo lagu magacaabo Joseph Peter Drennan ayaa sheegay inay Rafcaan ka qaadan doonaan Xukunkaasi, isagoo dacwadaasi ku tilmaamay mid ku salaysan Cadiifad Qabyaaladeed.

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska loo haystay Kolonel Tuke ayaa noqonaya dacwadii 3-aad ee ay Maxkamadaha Maraykanka ku qaadaan dadka lagu soo oogo inay Tacadiyo geysteen xilligii Dowladdii Kacaanka ka talinaysay Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments