Mahad Abiib: Waxaa la ii diiday baasaboorka soomaaliga ah.

0
108
Mahad Abiib Foto: NorSom News

Mahad Abiib oo soomaalida Norway ay aad u wada garanayaan, ayaa muuqaal cusub oo maanta laga soo duubay ku sheegay in safaarada soomaalida ee dalka Bulgium-ka, ay u diiday baasaboorka soomaaliga ah.

Mahad ayaa muuqaalkan ku sheegay in horaanta sanadkan uu tagay safaarada Soomaaliya ee dalka Belgiumka, uuna codsaday baasaboorka soomaaliga ah, si uu ugu safro. Wuxuuna sheegay in ilaa hada uusan helin wax jawaab ah, inkasta oo laga qaaday lacag aad u badan, sida uu sheegay isagu.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in isaga oo safaarada ku sugan ay shaqaalaha safaarada Brussel ku dalbadeen boolis, kadib markii uu dalbaday in jawaab laga siiyo sababta uusan wali u helin baasaboorka soomaaliga ah.

Abiib oo horey ay dowlada Norway uga ceshatay sharciga dhalashada dalkan, ayaa madaxda dowlada Soomaaliya ka codsaday in jawaab laga siiyo sababta loogu diidanyahay baasaboorka soomaaliga ah.

Wuxuuna muuqaalka ku sheegay in shaqaalaha safaarada ay ku wargaliyeen in kiiskiisa ay ku xirantahay jawaabta ka timaada xarunta dowlada ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalkan wuxuu ku sheegay in wali uu ku suganyahay dalka Belgiumk,a uuna wali jawaab ka sugayo safaarada, isniintana uu balan la leeyahay safiirka Soomaaliya ee Belguimka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments